Xalay Fiidkii ayaa Waxaa Weerar bambaano lagu qaaday gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan Booliska Kenya,kaasoo marayay bartamaha magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi bari Ee Dalkaasi Kenya.
Afar ruux ayaa ku dhaawacantay oo saddex ka mid ah ay ahaayeen saraakiisha iyo qof rayid ah, markii kooxo aan la garan ay bam ku tuureen gaariga ay wateen booliska Kenya.
Mid Ka Mid Ah Saraakiisha booliska Kenya ee Gaarisa ayaa sheegay in weerarkaas kooxihii ka dambeeyay ay baxsadeen, hase ahaatee ay baadigoob ugu jiraan So Qabashada Ragaasi.




