Madaxweyne xasan sheekh ayaa barlamaanka la hadley kuwaasoo gelaya fasax mudo labo bilood ah,isagoo sheegey in xubnaha barlamaanka looga baahanyahey fidinta ku wacyigelinta bulshada maamulka dawladnimo iyo in aan wax aan dawlad aheyn na anfaceynin.
Barlamaanka ayaa waxaa shirgudoominayey gud.barlamaanka maxamed sheekh cusmaan jawaari wuxuuna barlamaanka hortiisa ka aqriyey gudoomiyeyaasha gudiyada barlamaanka,kuwaasoo gaaraya ilaa dhawr iyo toban gudi oo barlamaanku isu qeybiyey,waxeyna dadbadani tuhunsanyihiin in fasaxa barlamaanka lagu beegey hawlo xukuumadu rabto in ay meelmariso inta fasaxa lagu gudajiro,taas oo lagu aqoon jirey barlamaanadii waqtigoodu dhamaadey ee kmg.
Barlamaanka ayaa soo gabangabeeyey kalfadhigii koowaad iyadoo kulankani ahaa kii afartan iyo koowaad waxaana ay gelayaan fasax 2bilood ah ayna yaalaan qodobo iyo hawlo muhiim ah oo qaranku u baahanyahey inkastoo uu gudoomiye jawaari ku faaney in ay dastuurka wax ka qabteen.




