Mareykanka Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay In Ay Maanta Aqoonsatay Dowlada Soomaaliya.

0
513

Xilli sanadkii la soo dhaafay ay Soomaaliya ka baxday xilliga KMG, Ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud Waxa uu booqasho maalmo qaadaneysa ku joogaa Dalka Mareykanka Iyadoona Uu Maanta Saxiixay Aqoonsiga Dowlada Mareykan Ay Aqoonsaneyso Soomaaliya.

Johny Carrson Kaaliyaha Xogheynta Arimaha Dibada Ee Mareykanka ayaa sheegay in Hillary Clinton maanta oo khamiis ah la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Gur Guurte.

Sidoo Kale Waxa Uu Mr Carrson sheegay in labada mas’uul ay is weydaarsadeen waraaqo diblomaasi ah,kaasoo noqday mid Mareykanka Dowlada Soomaaliya uu ku aqoonsado.

Waxaa Kaloo Ay Kawada Hadleen arrimaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen in dib loo soo celiyo xiriirkii labada dal ka dhaxeeyay labaatan sano ka hor iyo in dib Mareykanka safaaradihiisa uga furto Soomaaliya Taasina Ay Isku Afgarteen Madaxweyne Gur Guurte Iyo Hellery Clinton.

Dowladaha Soomaaliya Iyo Mareykanka ayaa Waxa Uu xiriirkooda diblomaasi go’ay labaatan sano ka hor markii ay bur burtay dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, iyadoona xilligaas wixii ka dambeeyay uu Mareykanka Soomaaliya u arkay dal Aan Jirin.