Waxaa maanta dalka ka ambabaxey madaxweynaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed c/nur axmed darmaan iyo wufuud uu hor kacayey oo ah masuuliyiin xisbiga ka tirsan.
Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ayaa u baxey hawlo shaqo kuwaas oo wax tar u leh bulshada iyo xisbigaba,kusimaha gudomiyaha xisbiga ahna gudkuxigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo la hadlayey saxaafada ayaa xaqiijiyey bixitaanka wafdigan uu hugaaminayo madaxweynaha XMJS.
Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ah xisbiga ugu faca weyn xisbiyada dalka ka jira ayaa badanaaba madaxdiisu safaro debedda ah aada kuwaasoo shirar caalamka ah ka qeyb gala ama casumaado ka hela dawlado iyo xisbiyo ay xiriir saaxiibtimo ka dhaxeeyaan,balse safarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay xisbiga madaxdiisu sheegeen in ay soo gaareen ganacsato iyo madax ka socda dalal kala duwan sida yurub,amerika iyo eeshiya,kuwaas oo xisbigu sheegey in ay dalka soomaaliya maalgashanaya.




