Shir jaraa’id oo uu maanta qabtey afhayeenka Amisom cali aadan ayaa sheegey in ay amisom ku faraxsantahey ku faani karto amniga dalka soomaaliya ka jira iyo qabsashada laga qabtey alshabaab gobolo iyo deegaano ay hore u maamulijireen.
Afhayeen cali aadan ayaa sheegey in hawlaha ciidamada amisom is bedel lagu sameyn doono shabaabna laga tirtiri doono soomaaliya,ciidamada amisom ayaa dhawaan qaadey hawlgalo lagula wareegayo meelo iyo gobolo ay dagaalyahanada alshabaab maamulijireen iyadoo kuwooda booliskuna ku egyihiin magaalada muqdisho.
Maahan markii ugu horeysey ee ay ciidamada amisom hadlaan ama afhayeenkoodu sheego waxyaabo borobagando u muuqda balse aan aheyn sida wax loo sheegayo waxeyna goor sii horeysey ay sheegeen in ay is qeybiyeen oo ay sameeyeen aagag dagaal sida kan beledweyne,baay iyo bakool,jubooyinka iyo kan muqdisho walina lama soo afjarin dagaalada waxaana jirta aragti kala duwan ee laga qabo ciidamada amisom.




