Madaxweynaha xibin iyo xeeb maxamed aadan tiicey iyo gudomiyihi burcadbadeeda soomaaliya afweyne oo 3nin oo syrian ah ku wareejiyey ra’iisalwasaare saacid.

0
575

Waxaa maanta muqdisho soo gaarey m/weynaha xibin iyo xeeb maxamed aadan tiicey oo ay wehliyaan gudoomiyihii burcadbadeeda soomaaliya,iyo waliba 3nin oo syrian ah.

M/weyne tiicey iyo taliye afweyne ayaa raga syrianka ah ku wareejiyey ra’iisalwasaaraha soomaaliya cabdi faarax shirdoon saacid iyadoon wax shuruud ah lagu xirin mr saacid ayaa maamulka xibin iyo xeeb uga mahad celiyey dadkan xoriyadooda heley,isagoo sheegey in dawlada soomaaliya ay u fududeyn doonto sidii ay dalkoodi hooyo ku gaari lahaayeen ragan syrianka ah.

Waa marki ugu horeysey ee la sii daayo dad shuruud la’aan,hase yeeshee waa rag la hayey 3sano mudo ku dhaw oo waxba lagu waayey maadaama dalka syria uu dagaal sokeeye hada ka socdo,waxaana sidoo kale ah talaabo aan hore loo arag burcadbadeed leh waan ka toobo keeney waxa aan sameyn jirey oo dadka soomaaliyeed aan shaley lahaa hantidiina ayaan idiin ilaalinayaa taas oo aan is qaban karin.

Maxamed cabdi afweyne waa nin mar ah taliyaha ilaalada xeebaha marna ah danbiile burcadbadeed ah oo isasoo dhiibey,waxbadana ka ogaa hanti madax furasho loo qaatey oo milaayiin dolar ah,lamana oga in aduunku cafin doono iyo in danbi lagu soo oogo oo waqtiganba lagala hadley xukuumada aan ilaalineyn muwaadinka ee horteeda lagu xasuuqayo loona adeegsanayo hub diyaarado iyo maraakiib ku xiran oo aan la ogeyn ciribta danbe ee ay ku leeyihiin deegaanada lagu dhex isticmaaley.