Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo taageerey talaabadi xubnaha barlamaanku ku celiyeen miizaaniyada sanadka 2013ka.

0
526

Shir uu yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna gudoominayey gud.kuxigeenka xmjs md. Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa lagaga hadley qodobo dhawr ah oo la xiriira xaalada dalka iyo geedi socodka dawladnimo.

Shirka ayaa waxaa lagu taageerey talaabadii ay xubnaha barlamaanku ku celiyeen miizaaniyad sanadeedka 2013ka,iyagoo sabab uga dhigey qodobo muhiim ah oo ay shacabka ku meteli karaan,waxaana kamid ah kuwa ugu muhiimsan a) miizaaniyada madaxtooyada,miizaaniyada xafiiska ra’iisalwasaaraha,wasaaradaha qaarkood oo la sheegey in ay aad u badantahey.
B) ciidamada xoga dalka oo miizaaniyadoodu yartahey mugdina la geliyey oo aan la cadeyn mushaarkooda iyo qiimeynta darajada ciidamada.
C) iyo miizaaniyada adeega bulshada sida iskuulada isbitaalada biyaha korontada,iyo wadooyinka,iwm.

Waa markii ugu horeysey ee la arko sanadahan baarlamaan danihiisa ku dara kuwa guud ee qaranka,waana nasiib darro in ay arki waayaan xubnaha barlamaanku gunooyinka ay laftoodu qoondeysteen oo iyadanu aad u badan ayaa lagu yiri shirka uu maanta yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed.