Hawlgallo lagu sugayo amniga ayna iska kaashanayaan ciidamada dawlada soomaaliya iyo kuwa sheegta boliska amisom oo muqdisho laga dareemayo…/

0
528

Hawl gallo isdaba joog ah isla markaana habeen iyo maalin ah ayaa laga dareemayaa degmooyinka gobolka banaadir qaarkood,hawl galadan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dawlada soomaaliya iyo kuwa la baxey boliska amisom ayaa bilaabey beryahan in ay qab qabtaan qoryaha sida sharci darada ah loogu wato magaalada dhexdeeda iyadoo isla marka la qabtaba xabsiga dhexe loo gudbiyo.

Waxaana shaki laga muujinayaa sida ay caddaalad u heli karaan dad badan oo boqolaal gaaraya hadii la qabto,waxaana la sheegayaa in qabqabashadu saameysey dad aan hubeysneyn balse lagu yaqaan isbaaro iyo wardiye xaafadeedyo la dagaalama tuugada guryaha iyo dukaanada jabsada,kuwaasoo ka caagey ama quus ka jooga shaqadooda una baahan sharciyad iyo aqoonsi hoos taga degmooyinka.