Wafdi uu hugaaminayo wasiirka arrimaha gudaha c/kariim xuseen guuleed oo kismaayo gaarey…/

0
493

Wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha c/kariim xuseen guuleed ayaa markii ugu horeysey kismaayo gaarey iyadoo ay kusoo dhaweeyeen maamulka kmg ee uu hugaamiyo sh axmed madoobe.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa magaalada loo sii dhaadhiciyey iyadoo amniga maanta si weyn loo sugayey,maadaama ay xarakada alshabaab ay soo qaadaan weeraro kudhufoo ka dhaqaaq ah.

Booqashadan uu wasiirku hugaaminayo ayaa imaneysa booqasho uu m/weyne xasan sheekh ku tagey dalka kenya isagoo kala hadley qadiyada gobollada jubooyinka lamana oga sida dhabta ah ee ay labada dawladood hoos ugu heshiiyeen.