Xarakada alshabaab ayaa sheegtey in ay ka danbeeyaan qaraxii ka dhacey wadada maka almukarama,kaas oo ay ka gaareen ujeedooyinki laga lahaa iyo meeshi lala rabey.
Qaraxan ay alshabaab waxey sheegeen in ay ku halaageen gaalo iyo gaalo raac waa sida ay u dhaheene ayna wadi doonaan ficilada nuucan oo kale ah,mar kasta iyo si kasta oo ay fursad ugu helaan,maadaama bey dheheen wadadaas ay adeegsadaan huwanta isbaheysatey iyo kuwa ay taageeraan.
Shekh cali maxamu’d raage oo la hadlayey dad farabadan oo isu soo baxey ayaa sheegey in aaney alshabaab layici doonin dadka muslimka ah ayna la dagaalami doonaan kuwa kusoo duuley dalkeena soomaaliya,mana aha markii ugu horeysey ee ay alshabaab sheegtaan ficilkan iyo wixii lamid ah.




