Sheekh axmed madoobe oo kismaayo ku soo laabtey isagoo ka yimid dalka ethiopia muxuu la soo laabtey?

0
526

Gudoomiyaha ururka hubeysan ee raaskamboodi sheekh axmed maxamed islam ayaa kismaayo kusoo laabtey isagoo shir ku aadan awood qeybsiga dawladaha deriska ah iyo jubooyinka uga soo qeyb galey dalka ethiopia.

Sheekh axmed madoobe ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey kismaayo,isagoo libin ka wata shirka uu kasoo qeyb galey,looguna ogolaadey in uu gudoomiye ka noqdo gobolka j/hoose,xilkaas oo lamid ah kii ay siiyeen maxkamadihii uu hor kacayey m/weynihii hore ee soomaaliya sh/shariif sh axmed isagoo walibana kasoo daayey xabsi uu uga jirey gudaha dalka ethiopia markii la yiri waa xildhibaan baarlamanka kamid ah isaga oo xiran.

Shirkan ka dhacey gudaha ethiopia ayaa imanaya iyadoon si rasmi ah aysan wali u booqan madaxda dawlada federalka ah ee uu ugu horeeyo madaxweynaha xasan sheekh maxamuud,dad badan ayaa ka shakisan arrinta gobolada jubooyinka oo ay hada maamulaan ciidamada kenya ee sheegta magaca Amisom in ay ku hawl galaan,kuwaasoo hada ka hor kasoo celiyey kismaayo wafdi ay wehliyeen wariyeyaal dawlada federalka ka socdey,taasoo keentey fashilaada arrimo badan oo qarsoonaa.