Soomalida Ku Nool Caasimada Ethiopia Oo Cabasho Xoogan Ka Muujinaya Safaarada Soomaliya Ee ku Leedahay Dalkaasi.

0
565

Cabashadani ay mujinaya soomalida ku dhaqan Dalka Ethiopia ayaa wax ay ku tilmaamayaan inay hawl wadenada safaarada ay ka qaadaan lacag sharci dara ah dowlada somaliyana waxba ka ogeyn.

Sida ay u sheegeyn warsom.com shaqsiyad safaarada soomaalida ula xiriray sameynta E-Passport-ka iyo aqoonsiyo inay goobtaasi kala kulmeyn in hawlahooda lagu xujeeyo inay bixiyaan lacago sharci dara ah si loogu fududeyo Danohooda.

Mid Ka Mid ah dadka la so xiriray warsom.com laguna magacabo Cabdi Rashiid Cali Axmed ayaa xaqiijiyay in ciddi bixin weysaa Lacagahaasi wax shaqa ah aynan u qabaneynin xiligaasi shaqaalaha Safaarada soomaaliya ee Dalka ethiopia.

Cabdi Rashiid Cali Axmed ” Safaarada soomaaliya ee Dalka Ethiopia marka aan ka doonano E-passport-ka waxa nalagu xujeyaa in aan bixino lacag dhan 1000 bir una dhiganta 56 $ Dolar taasi oo ah mid ka baxsan nidaam ahaan lacagta dowlada soomaaliya ugu Talagashay In shacabka soomaaliyee ugu sameyaan Passport-ka” ayuu yiri.

Sido kale Cabdi rashid waxa uu ku cadeyay inay lacagtani tahay mid sharci daraha dowladana waxba ka ogeyn marka la bixinayo lacagta Lagu sameynayo passport-ka
lagu shubo qasnada dowlada soomaaliya uga furan AWASH INTERNATIONAL BANK (Acc.no. 01304056122000) .

Ugu dambeynti Cabdi rashiid waxa uu madaxda ugu sareysa dowlada soomaaliya ka codsaday inay wax ka qabtaan Lacagaha sharci darada ah ee laga qaado muwaadininta soomaaliyee.

Si kastaba ha ahaate cabashadan ka soo yeereysa soomaalida ku nool dalka ethiopia ayaa w waxa ay noqaneysa Mid Maalinba Maalinta Kasii Dambeyso Cirka isku sii shareereysa balsa La Arki Doone Halka ay ku Dambeyn Doonto.