M/weyn xasan sheekh gurguurte oo u sii ruqaansadey xagaa iyo uganda lana kulmey madaxda dalkaasi…/

0
504

M/weyne xasan sheekh oo booqasho ku joogey dalka kenya ayaa usii gudbey dalka ay dariska yihiin ee uganda,isagoo la kulmey madaxweynaha uweri musafeni iyo kuwo kale oo kamid ah madaxda hugaamisa dalka uganda.

Dawlada uganda ayaa door muhiim ah ku leh dalka soomaaliya maadaama ay ka joogaan ciidamo kor u dhaafaya ilaa 10,000 askeri,waxaa la filayaa in ay isla soo qaadaan xiriirka labada dal iyo doorka ciidamada uganda sidii ay usii wadi lahaayeen qabsashada meelaha ay weli sii joogaan alshabaab.

Safarka m/weynaha ayaa kusoo beegmaya xilli duqeyni ku socoto madaxtooyadii uu ku ariminayey taas oo been ka dhigeysa hadal kasta oo uu u sheego madaxda dhigiisa ah,waana markii labaad ee uu madaxweyne gurguurte booqdo,dalka uganda,muhimada ciidan ee ay leeyihiin awgeed.