Waxaa maanta la hadley m/weynaha soomaaliya dadka soomaalida ah ee ku nool dalka kenya isagoo ugu horeyn uga warbixiyey kulan ay yeesheen isaga iyo dhigiisa mwai kibaki iyo tan dalkooda hooyo.
M/weynaha ayaa u sheegey jaaliyada soomaaliyeed in ay deganaansho muujiyaan amniga dalka kenyana ay ka qeyb qaataan maadaama ay ka midyihiin qoomiyadaha laga jecelyahey dalka kenya isla markaana ay ku dayan karaan dadka kenyaanka ah,waxaana la sheegayaa in dawlada kenya ay u baahantahey in laga caawiyo xaga amniga sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegey in qaxootiga xeryaha soomaalida in la baneyn doono dalkoodi hooyana ku noqondoonaan si nabad ah oo xeerarka aduunka waafaqsan.
Waa markii ugu horeysey ee m/weyne xasan sheekh uu kulan kula yeesho soomaalida dalka kenya,waxaana la filayaa in culeyska soomaalida saaran uu hoos u dhigo kulanka uu madaxweynuhu la yeeshey shacabkiisa iyo booqashada uu dalka kenya ku yimid isagoo m/weynuhu ugu danbeyn sheegey in ay meel wax isla meel dhigaan isaga iyo m/weynaha dalka kenya,ayna is afgarteen.




