Shacabka degen degmada deyniile oo sheegey in ay qaati ka taaganyihiin maleyshiyaad ku labisan direyska ciidamada soomaaliya.

0
488

Shacabka ku nool degmada deyniile ayaa qeylo dhaan weyn ka muujiyey maleyshiyaad wata ama ku labisan direysa ciidamada soomaaliya,cid ay ka amarqaataana aan la aqoon.

Odayaal iyo wax garad ka tirsan dadka deegaanka deyniile ayaa waxey warbaahinta u sheegeen in la dilo,la dhaco,oo waliba la kufsado haweenka,iyagoo codsi u soo jeediyey madaxweynaha ra’iisalwasaaraha,iyo wasiirka gaashaandhiga in ay kasoo gaaraan dhibaatada ay ku hayaan maleyshiyaadkaasi deegaanka laguna bedelo ciidamo anshax iyo asluub leh.

Uguma horeyso waqtigan cabashada laga cawdo ciidamada ku labisan direyka ciidamada,tan iyo markii ay shacabku waayeen talaabooyinki ay qaadi jirtey maxkamada ciidamada qalabka sida iyo xasan maxamed luungaab oo aan in mudo ah la maqlin lana arkin,waana ficil bey yiraahdeen dadka deegaanka deyniile aynaan waligeen arkin waxan iyo wax u dhaw,waana la arki doonaa sida ay uga jawaabaan madaxda codsiga loo jeediyey.