Booliska Dalka Kenya ayaa waxay Xuduuda u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya ay ku qabteen ilaa lix ruux, oo lagu qabtay walxaha qarxa, rasaas iyo hub ay wateen Kuwaasoo Ay Doonayeen In Ay Gudaha U Galiyaan Dalka Kenya.
Philip Tuimur,Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa wuxuu ka warbixiyay hawl galada ay ku qabteen dadkaan Watay Hubka Noocyadisii Kala Duwan Doonayayna Inay Geeyaan Magaalada Nairobi Ee Dalkaasi.
Wuxuu Sidoo Kale Sheegay In Ilaa Iyo 6 ruux oo afar ka mid ah ay rag yihiin, halka labada kalana ay haween yihiin, ay ku joojiyeen sida uu hadalka u dhigay dhinaca Xuduuda, xilli uu sheegay inay ku socdaalayeen gaari Toyata ah.
Kolkii hore ayaa wuxuu sheegay in ujeedkuuu ahaa in si caadi ah loo baaro dadkaasi, hase ahaatee markii ay baaritaanada ku sameeyeen kadib, ay ka heleen sida uu yiri hub Farabadan.
Cornel Philip Tuimur ayaa sheegay in lixdaan ruux loo waday Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari, halkaasoo uu tilmaamay in baaritaano dheeraad ah loogu sameyn doono Kadibna Maxkamada La Soo Saaridoono.




