Idiris Cali Guddoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta markii ugu horreysay booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho Isagoona La Kulmay Madaxda Dalka Soomaaliya.
Afahayeenka Baarlamanka Dalka Jabuuti oo ay wehliyeen 7 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka dalkaasi iyo saraakiil kale ayaa waxaa Garoonka Aaden cadde si diirran ugu soo dhaweeyay prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya,ku xigeennadiisa, Mudaneyaal ka tirsan baarlamanka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda iyo Saraakiil Ka Tirsan AMISOM.
Dalka Jabuuti Wefdiga ka socday ayaa waxaa loo soo galbiyay Xarunta Baarlamanka Soomaaliya waxaana guddoomiyuhu ka jeediyey khudbad kooban, oo Uu ugu hanbalyeeyey Xildhibaanada guulaha dawladda Soomaaliyeed gaartey iyagoona guddoonsiiyeen haddiyado ay ku sharfeen Xildhibaanada Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa joogi doona magaalada Muqdisho muddo sadex maalmood ah, waxaana maalinta berri ah Lagu Wadaa In ay la kulmaan madaxweynaha iyo raysawasaaraha Dalka.
Jabuuti Madaxda Ka Socotay Ee Soo Gaartay Soomaaliya Ayaa Ah markii ugu horreysay Ay soo booqdaan Muqdisho iyadoo masuuliyiin ka socda jabuuti uu kamid yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay horay u yimaadeen caasimadda Soomaaliya waxaana la filayaa in sidoo kale Guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti uu tago xarunta safaaradda Jabuuti ee Somaliya oo ku taalla meel wax yar u jirta Xarunta madaxtooyada villa Somalia.




