Natiijo horadhac ah oo kasoo baxeysa doorashooyinki somaliland iyo rabshado kasoo cusboonaadey…

0
496

Waxaa lagu soo waramayaa in doorashooyinkii dawladaha hoose ee ay ku tartamayeen 7xisbi isla markaana laga rabo 3 xisbi qaran ayaa muran ka dhex aloosmey dawlada uu hugaamiyo xisbiga kulmiye iyo taageerayaasha ururka xaqsoor.

Rabshadaha ayaa sababey dhimasho 4 qof iyo dhaawacyo 7 qof ah,waxaana gudoomiyaha ururka md xasan uu ku tilmaamey wax laga xumaado in shacabka xabado lala dhaco iyagoo xaq u leh in ay banaanbax nabadeed fekerkooda ku muujiyaan.

Waxaa si horadhac ah loo saadaalinayaa in ay kala yihiin xisbiyada qaran ee soo bixi doonaa:
1 xisbiga talada haya ee kulmiye.
2 xisbiga daryeelka iyo caddaalada Ucid.
3 iyo xisbiga bedeley udub oo ah xisbiga wadani,waxaana laga yaabaa in ay wax iska bedelaan maadaama aaney gudiga doorashooyinku wali ku dhawaaqin natiijada.