Waxaa caawa saacada muqdisho marka ay aheyd 00:45 habeenimo la maqley madaafiic qoriga hoobiyaha ah,kuwaas oo aan ilaa hada la garaneyn meelaha ay ku dhaceen.
Madaafiicda saqda dhexe soo dhacda ayaa joogto noqdey iyadoo madaxda hey’adaha amniga mar walba laga maqlo in aaney soo noqon doonin sidaas awgeed dad badan ayaa ku wareersan in dawladu sheegato gacan ku heynta magaalada muqdisho isla markaa duqeymo ay dad aan waxba galabsan ku dhintaan.
Lama oga qasaaraha ay geysteen madaafiicda caawa saq dhexe soo dhacdey waxeyna ku soo beegmayaan iyadoo m/weyne xasan sheekh safar debeda ah uu ku maqanyahey,waxeyna duqeymahaan dhacaan marka madaxda sar sare ee dawladu baxayaan ama dalka ka maqanyihiin iyadoo dadka qaar tuhunsanyihiin askarta dawlada dhexdooda ama uu ugu yaraan jiro heshiis u dhaxeeya iyaga iyo alshabaab,sababtoo ah wali lama hayo qof la leeyahey waxaa la soo qabtey isagoo hoobiye ridayo ama ridi raba,halka dadka qaarki leeyihiin halkii madfac oo shacabka lagu ridaa waa $500 lacag ahaan waxaana lagu kala qaataa adeega evc-plass ee shirkada hormuud.




