Al-shabaab Oo Sheegatay In Ay Gaari Nooca Suuga Ah Ka Gubeen Ciidamada Ethopia.

0
576

Ciidamada Dowlada Ithopia Kolonyo Gaadiid Ah Oo ka soo baxday dhanka Qansaxdheere ayaa La Sheegay In gaari Uuraal ah looga gubay deegaanka Wardiille oo ku dhawaad 35km u jira magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolkaasi Bay.

Waxaa Sidoo Kale La Sheegay In Ay Gawaarida saarnaayeen Ciidamo fara badan Iyadoona Ay si buuxda ugu Basbeeshay qaraxaasi Lala Bar Tilmaameedsaday Kolonyadaasi Ay Saarnaayeen Ciidamada Ithopia Waxaana
La Sheegay In Uu ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal Ka Tirsan Saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay In gaariga qaraxu qabsaday uu saarnaa qoriga Zuugga isla markaana uu ku gudubtay qaraxa Uu Sheegay In Ay La Eegteen Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab.