Xildhibaan ka tirsan barlamaanka federalka soomaaliya ayaa sheegey in kismaayo aysan gacanta dawlada ku jirin isagoo taas ku sababeeyey kolkii maanta loo diidey in ay gudaha magaalada kismaayo wafdi ka socdey dawlada federalka iyo ciidamada AMISOM kuwaasoo si cad loogu diidey in ay ogaadaan waxa ka socda dekedda kismayo.
Wafdigan oo ka koobnaa 8 xubnood iyo koox wariyeyaal ah ayaa la sheegayaa in ay muqdisho dib ugu soo laabteen,iyadoo lagu soo waramayo in wariyeyaashi ay ku xayiranyihiin garoonka kismaayo,madaxweynaha dawlada federalka prof. Xasan sheekh ayaa dhawaan gudigan u magacaabey in ay xog ogaal u noqdaan dhuxul la sheegey in ay ka dhoofeyso dekeda kismaayo.
Diidmadan lagu sameeyey wafdigan uu madaxweynuhu magacaabey ayaa meesha ka saareysa ciidamada kenya in ay kamid yihiin ciidamada amisom,kuwaasoo qaatey magaca amisom kadib markii caalamku cadaadis ay kusoo rogaan ay ka baqeen,waana calaamad adkeyneysa hadal ay hore u jeediyeen qaar kamid ah ururada bulshada soomaaliya oo tilmaamayey in dawlada kenya ay dano gaar ah oo qarsoon ka leedahey soomaaliya.
Gudoomiyaha kumelgaarka ah ee maamulka kismaayo ahna hugaamiyaha raaskaamboodiyiinta ayaa isaguna ku micneeyey in aaney amnigooda sugi karin isla markaana aan lagu soo war gelin imaatinka wafdiga taasna ay keentey in laga celiyo magaalada kismaayo.




