Shiikh C/wali C/llaahi Iimaamkii Masjidka Ugu Weyn Musliminta Uganda Oo Geeriyooday.

0
502

Magaalada Kampala ee dalka Uganda Ayaa Waxaa ku geeriyooday Iimaamka Masjidka ugu weyn ee Soomaalidu ku leedahay magaaladaKampala Shiikh C/wali C/llaahi oo si weyn looga yaqaan guud ahaan dalka Magaalada Kampala.

Alle Ha U Naxariistee Shiikha ayaa waxaa uu wadnuhu istaagay xili uu watay gaari uu isagu lahaa waxaana goobta ay nafta uga baxday ka qaaday qaarka mid ah jameecada masjidka oo gaarila la saarneyd Iyagoo U Ambabixiyay Xaafada Uu Ka Degnaa Dalkaasi Uganda.

Waqtiyada Soo Socda Ayaa Shiikha waxaa lagu wadaa in lagu aaso Qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Kampala Iyadoona Ay Safiirka iyo guud ahaan diblumaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo madaxda jaaliyada tacsi u direen eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Khadiibkii masjidka Towxiid ee xaafada Kisenyi ee magaalada Kampala.