Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ura Al-shabaab Iyo al-Qaacida Oo Muqdisho Ka Dhacay

0
497

Dibadbaxaani Ka Dhanka Ah hadalkii ka soo yeeray Sh. Ayman Al-zawaahiri Oo Ah hogaamiyaha urur Weynaha Al-qaacida ayaa maanta Waxa Uu Ka Dhacay Degmada Wardhiigley Ee Gobolkaani Banaadir.

Banaanbaxa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeybgalay dad aad u badan Kuwaasoo isugu soo baxeen xarunta degmada Wardhiigley halkaas oo ay kula hadleen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiilsha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya Iyagoona Ku Dhawaaqayay Erayo Ka Dhan Ah Al-Qaacida.

Sidoo Kale Dibad-baxa Ayaa waxaa soo abaabulay Hey’adda Wadahadalka Bulshada ee CCD waxaana kasoo qeyb-galay Masuuliyiin ay kamid ahaayeen Deeqo C/qaadir guddoomiyaha degmada Wardhiigley,Warsame Maxamed
Xassan Joodax guddoomiye ku xigeenka Dhanka nabadgelyada maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Iyagoona Hadalo Ka Jeediyay Goobta Uu Ka Dhacay Dibad-baxa.

Shacabkii Ahaa Dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin sawirrada Al-shabab iyo hogaamiyaha Al-qaacida Waxayna ku qeylinayay erayo lidi ku ah ururka al-Shabab iyo Shabakada Al-qaacidda Oo Dhawaan Isku Biiray Naqdayna Isku Ururka Kuna Dagaalama Fikirka Al-qaacida.