Kooxo Ku hubaysan Biskoolado ayaa caawa Ugaas Isaaq Ibraahim Waxa ku dileen xaafada tribiano ee magalada muqdisho Iyadoona Marxuumka Uu ka mid ahaa ugaasyada beelaha Bay Ka Soo Jeedo.
Marxuum Isaaq Ibraahim ayaa markii ay Rasaasta La Dheceen Kadib Ayaa Waxaa dhaawac ahaan loo Geeyay Mid Ka Mid Ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho isagoona ugu danbaytiina ku geeriyooday isbibtaalka Darru-Shifa ee Gudaha Gobolka Banaadir.
Ruuxaani Ay Toogteen Rag Hubeysan Kuna Hubeysnaa Biskoolado Ayaa Waxa Uu ka mid ahaa odayaashii dhawaan ansixiyay dastuurka Loo Sameeyey Dowlada Soomaaliya Iyadoona Ilaa Iyo haatan La ogayn cida sida dhabta ah Kaga danbeysay dilkan Ugaaskan caawa lagu Dilay Magaalada Muqdisho,




