Maxaa Ka Jira Wararka Sheegayo In Axmed M.Fiqi Uu Iska Dhiibay Dalka Swedan Kadib Markii Uu Ka War Helay In Xilkiisa Shaqsi Kale Loo Magacaabi Rabo.

0
552

Sida Aynu Ku Heleyno Xogta Ku Aadan Warar laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya Axmed Macalin Fiqi Oo Ahaa Agaasimii Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya In uu ka Duulay Dalka Soomaaliya Oo Uu Arimo Amni Darteed U Tagay Dalka Sweden Halkaasi Oo La Sheegay In Masuuliyiinta Dowladaasi Ay Siiyeen Hoy Uu Dago Balan Qaadeena In Ay Ka Wakiil Yihiin Amaankiisa.

Axmed Fiqi ayaa Sidoo Kale la sheegay in Sababaha Uu Kaga Tagay Jagadiisa Uu Ka Heyay Dalka Soomaaliya In uu ka war helay in Xasan Sheekh Gur Guurte uu diyaariyay sarkaal kale oo booskiisa lagu bedeli rabo Islamarkaana Guud Ahaanba Jagadiisa Laga Xanjuubi Rabo Taasina Uu Ka Doorbiday Inta Aysan Ushaasi Ku Dhicin In Uu Ka Baxsado Soomaaliya Oo Uu Iska Dhiibo Dalka Swedan

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Ayaa La Sheegay In Uu Ku Sugan Yahay Haatan Magaalada Borlange ee dalka Sweden waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda ay dowladda Sweden ku dhawaaqdo magangelyada ay siisay Masuulkaani Baxsadka Ah Maadaama Uu Nafsadiisa In Ay Magan Galiyaan Uu Ka Codsaday.