Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo loo geysto Ciidamada Dowlada ka tirsan iyo shaqaale Si Hoos Ah Ula Shaqeya Dowlada Soomaaliya Saxafiyiin Fanaaniin Iyo shaqsiyaad Kale Kuwaasi Oo Ay Inta Badan Sheegtaan Xarakada Al-shabaab Masuuliyada Weeraradaasi.
Falalkaani Dilalka Ah ayaa Had Iyo Gooraalaba Waxa Uu ka kala dhacaa Xaafadaha Magaalada Muqdisho halkaasoo ay kooxo Ku hubeysan Biskoolado ku toogtaan Dadka La shaqeeya dowladda Federaalka Iyo Kuwa Kale Oo Ay Raggaasi Bartilmaameedsadaan.
Ragaani Waqti Walbo bastoolado ku hubeysan ayaa la Sheegaa inay dhowr xabadood la dhacaan shaqaalaha dowladda Iyo Dadka Kale Oo Ay Ugaarsanayaan halkaasna ay degdeg uga baxsadeen kooxahaasi Inta Badan.
Kadib Falalkaasi Ayaa Goobta Waxaa Soo Gaara Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Oo Isugu Jiro Police Iyo Nabad Sugid Iyagoona baaritaano aan laga guul gaarin ka sameeya goobta Uu Falalkaasi ka dhacay Wexeyna Inta Badan Qab Qabtaan Cid Aanu Waxba Galabsan.
Falalkaani Dilalka Qaraxyada Iyo Weerarada qorsheysan Ayaa maalmahan noqday kuwo ku soo badanaya Magaalada Muqdisho Iyadoona Ay Siyaabo kala duwan loogu Ay Howlgalado Al-shabaab Kaga Dhacaan Goobaha Dowlada Ay Maamusho Mana Jirto Ilaa Iyo Haatan Masuul Ka Hadlayo Falalkaasi Taasina Wexey U Muuqataa In Ay Madaxda Dowlada Iyago Dhexdooda Ay Isku Mashquulsan Yihiin Islamarkaana Aynu U Muuqanin Al-shabaab Hoolaha Ay Ka Dhex Wataan Goobaha Ay Maamulaan Dowlada.




