Afahayeenka Ciidamada Al-shabaab Oo Ka War Bixiyay Weeraro Ay Ku Soo Qaadeen Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Dowlada.

0
535

Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta Al Shabaab ayaa faah faahinno ka bixiyay dagaallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo badan oo kamid ah gobolada Dhaca Koonfurta Somaaliya Gaar Ahaan Goobihii Lagala Wareegay Al-shabaab.

Abu-muscab Ayaa Sheegay In Weeraradii Xoogna Oo Ay Dagaalyahanada Al-shabaab Ku Soo Qaadeen Deegaanada,Ceelsha Biyaha,Lafoole,Sarkuusta,Marka,Bardaale,Garbahaarey iyo duqeymo ay kageysteen garoonka Kismaayo Qasaaro Xoog Leh Uu Ka Soo Gaaray Dowladaha Uu Ku Sheegay Cadowga Kuwaa Oo Uu Ula Jeedo Dowladaha Taageerada Siinaya Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Al-shabaab ayaa faah faahiyay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay Isagoona Ugu Baaqay Dadka Shacabka Ah Ee Ka Ag Dhow Goobaha Ay Bartilmaameedsadaan In Aysan Wax Baqdin Ah Galin Oo Ay Al-shabaab U Qeexanyihiin Meelaha Ay Weerarada Ku Qaadayaan.