Xildhibaan Ay Isku Heysteen Beesha Warsangali Oo Dhawaan La Filayo In Loo Helo Xal. !

0
312

C/qaadir Cosoble Cali oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka, kana mid ahaa musharaxiintii wareega labaad u soo gudbay,tanaasulayna ayaa loo wadaa xilka Maamulka Gobolka Banaadir.

Mr Cosoble oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelweynta Mudullood ayaa maalmahaanba kulamo oo ku xoojinayo qorshahiisa kawaday magaalada muqdisho isagoona Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahaan Xildhibaanada sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha.
Xubno ku dhow dhow Ganacsade C/qaadir Cosoble ayaa sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii dowladda cusub ugu soo muuqan lahaa, iyadoo ay dhici karto in meel kasta ka soo muuqdo ama Wasiirnimo xilka Gobolka .

Xasan Sheekh Maxamuud Gur Guurte ayaa laga yaabaa inuu sameeyo is bedel ku aadan maamulka Gobolka Banaadir, iyadoona ay suura gal tahay in Madaxweynuhu xubnihii ku taageeray tartanka doorashada uu abaalka u gudo.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa maalmahaanba ka socday kulamo albaabada ay u xeranyihiin iyo Xarunta Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha kulamada ugu badan ku bixinayay wada tashiyada ku aadan Golaha Wasiirada iyo is bedelada qorshuhu yahay in lagu sameeyo qaar ka mid ah Hey’adaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir.