Shir maanta uu yeeshey barlamaanka federalka soomaaliya uuna shir gudoominayey gud.barlamaanka maxamed sh cusmaan jawaari ayaa looga hadley qodobo la xiriira hawlaha qaranka,iyadoo leys weydaarsadey doodo badan oo ay ugu muhiimsaneyd qodob ka hadlayey ra’iisalwasaaraha uu dhawaan magacaabey m/weynaha soomaaliya prof.xasan shekh maxamuud.
Iyadoo beryahan ay suuqa ku jirtey in loolan xaga xukuumada iyo dhismaheeda uu ka jiro madaxtooyada,baarlamaanka,iyo ra’iisalwasaare saacid ayaa waxaa loo maleynayaa in ay mooshinkan keeneen xildhibaano raba in ay isbaraan ra’iisalwasaare saacid,mana jirto dastuurina maahan in ra’iisalwasaaraha la ansixo xukuumadana mar kale la ansixiyo hadii hada la horgeeyo barlamaanka ra’iisalwasaaraha keligiis leyskuna raaco waxey noqoneysaa in uu soo dhiso xukuumad aan barlamaanka kalsooni ka rabin,waxeyna u egtehey in ay meesha ka marneyn is qabqabsigii aan hore uga baraney baarlamaankii nasoo marey waqtigii kumeelgaarka lagu sheegi jirey.
Baarlamaankan ayey dad badani ka filayeen mid aan marna ku mashquulin arimaha gudaha soomaaliya balse ku mashquula sidii uu u sugi lahaa xuduudaha dalka maadaama ay dalka ku jiraan ciidamo shisheeye,oo dhibaatadooda wata,ayna ka shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa ciidamo soomaaliyeed oo qalabeysan.




