Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Oo Markii ay ka war heleen Kadib baaqii Maama Xaliimo Maxamed Cabdi oo 4 mataano ah ku dhashay Xerada Barakacayaasha Tarabuunka ee Degmada Hodan ayaa waxey kafaala qaaday nolosha carruurtaasi iyo hooyadood muddo 2 sano ah iyadoo shirkaddu ay bil walbo siinayso qoyskan ($300 Dollar).
Caruurtaan oo ahaa 4 mataano ayaa waxey kala ahaayeen 3 Gabdhood iyo 1 wiil balse maalin kadib waxaa geeriyooday wiilkii mataanaha waxaana hadda ay haysataa hooyo xaliimo 3 dii Gabdhood oo la kala yiraadoDeeqo, Shukri iyo Nafiso.
Xaliimo Maxamed Cabdi oo sanadii2011-kii ka soo barakacday Gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya kadib abaaro ba’an oo ku dhuftay gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxey ka mid noqotay kumanaan qoys oo hoy ka dhigtay fagaaraha tarabuunka Degmada Hodan.
Maama xaliimo oo saxaafadda lahadash ayayaa uga mahad celisay shirkadda isgaarsiinta Hormuud damaanad qaadka Mudada 2-da Sano Ah Ee Nolosha carruurteeda.
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa dardar gelisay taakuleynta dadka dhibaataysan sida indhoolayaasha dhagoolayaasha barakacayaasha iyo gargaarka masiibooyinka dabiiciga ah.




