Askari Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Habeenkii Xalay Ahaa Lagu Toogtay Magaalada Marka Ee G/ sh/ hoose

0
473

Mid Ka Mid Ah Askarta Dowlada Federaalka soomaaliya ayaa xalay lagu toogtay Magaalada Marka.

Askarigaasi Waxaa toogtay kooxo ku hubeysnaa Qoriga AK 47 ah sida ay dad goob joog ah noo xaqiijiyeen dilka marka uu ka dhacayay marka.

Askarigaasi ka tirsanaa dowladda Federaalka goobtii lagu toogtay ayaa waxaa la sheegay inay ka baxsadeen kooxihii ka dambeeyey oo la sheegay inay ka tirsanaayeen xarakada Mujaahidiinta Soomaaliya Ee Al-shabaab.

Tan iyo markii ay magaalada marka la wareegeen ciidmada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Federaalka waxaa faraha ka baxay amaanka magaaladaasi oo dilal, qaraxyo iyo weeraro lagula beegsaday ciidmada halkaasi ku sugnaa.