Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya.

0
507

Mudane Gur Guurte Madaxweynhaha Soomaaliy ayaa maanta Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay.

Cervone De Urso oo ah Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya Inta aan warqadaha laga gudoomin ka hor waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku qaabilay safiirka Xafiiskiisa ayadoo Madaxweynaha iyo Safiirkana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale taageerada Midowga Yurub ay siin doonaan Dowladda Mudane Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Markii Uu warqadihiisa aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya ayaa waxaa wadajir Saxaafadda ula hadlay Safiirka iyo sii hayaha Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya.

C/laahi Xaaji Xuseen sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaatilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya Si Uu U Gudbiyo Xogaha Dowladda.

Ugu dambeeyn Cervone De Urso Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu aad ugu farax sanyahay in loosoo magacaabo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo in sidoo kale uu Madaxweynaha Soomaaliya ka gudoomo warqadihiisa aqoonsiga Ee Safiirnimo.