Magaalada Kismaayo Oo Xaalkeedu Quus Laga Muujinayo Iyo Ruux Ganacsade Ah Oo Xalay Lagu Toogtay Magaaladaasi.

0
507

Magaalada Kismaayo ayaa Habeenkii Xalay Ahaa lagu dilay Ganacsade ka mid ahaa ganacsada Magaaladaasi sida weyn looga yaqaanay Islamarkaana Ahaa Dadka Deegaankaasi Ku Dhaqnaa.

Ruuxaasi xalay lagu dilay Kismaayo ayaa waxaa la tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen Xaafada Via Afmadow Ee Gobolkaasi Jubbada Hoose.

Axmed Sheekh ayaa Isna Waxaa habeen hore kooxo hubeysan ku dileen isla xaafadaasi waxaana muuqanaya in amaanka Magaalada faraha ka sii Baxayso Maadaama Kooxo Aan Wax Baqdin Ah Ku Jirin Ay Falal Dilal Iyo Qaraxyo Ka Geesanayaan Magaaladaasi Kismaayo Oo Dhawaan Ay Gacan Ku Heyteeddii La Wareegeen Dowladaha Iskaashanaya Ee Dagaalada Xoogan Dalka Soomaaliya Kugula Jira Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab.

Kadib qabsashad Ciidmada Dowlada Soomaaliya Ay La Wareegeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa magaalada ka dhacay dilal, Qaraxyo, Dhac iyo kufsi iyadoona dadka reer Kismaayo ay Cawasho Ka Muujinayaan Falalkaasi Isdaba Jooga Ah Ee Ka Dhacaya Halkaasi.