Waxaa in ku dhaw hal bil laga sugayey madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ku dhawaaqista ra’iisalwasaaraha soomaaliya,waxaana ugu danbeyntii uu maanta oo trikhdu tahey 06 octobar 2012 uu ku dhawaaqey in uu u doortey dr cabdi faarax shirdoon(saacid).
Hadaba dadka soo maaliyeed sidee u arkaan magacaabista dr saacid?
Dad badan oo aan ra’yigooda wax ka weydiiney waxey cadeeyeen in magacaabista dr saacid aysan ku imaan sahal marka loo eego inta m/weynaha ay ku qaadatey,hase ahaatee uusan aheyn nin bulshada badankeedu aad u taqaan marka laga hadlayo siyaasada soomaaliya burburki ka dib,waxeyna dad badan ku qanacsanyihiin in loo baahnaa waji cusub oo aan ka qeyb gelin isjiid jiidka siyaasada soomaaliya,ayna habooneyd in ra’iisalwaraaraha uu noqdo nin cusub sida madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaankuba u cusubyihiin,ayna tahey marxalad looga tilaabsadey si wanaagsan shacabkuna maanta u fadhiyo madax aan ka hibeysan kuwa la eynigaa ku kalsoon shacabkooda difaaca xuquuqda shacabkooda,xaqiijiya xuduudaha dalka sida badda,beriga iyo hawadaba,si taas loo gaarana la adkeeyo dhismaha ciidamada qaranka iyo hey’adaha adeega bulshada oo ka madaxbanaan koox,qabiil-qabiil iyo wixii la mid ah.




