Kulan ay yeesheen gudiga amniga qaranka soomaaliya ayaa markii uu soo dhamaadey kadib waxaa warbaahinta la hadley madax ay kamid ahaayeen sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ahna xildhibaan barlamaanka cusub ka tirsan,taliyaha ciidanka xoga dalka soomaaliya c/qadir sh cali diini,taliyaha ciidanka booliska soomaaliya sharif shiikhunaa maye iyo kuwo kale.
Madaxda ayaa sheegey in loo baahanyahey shirkadaha iyo ganacsatadu ay hubkooda sharciyeystaan,hadii aysan sharciyeysana aysan cidna eedi doonin,sidoo kale lama ogola ayey dhaheen hub magaalada lala dhexmaro,oo aan aheyn kan ciidamada shaqeynaya ay wataan,ugu danbeyna waxey sheegeen in aan la ogolaan doonin xabado magaalada dhexdeeda laga rido iyo banaanbaxyo aan laga war heynin.
Amaradan ayaa imanaya iyadoo m/weyne xasan sheekh maxamud uu u doortey in uu ra’iisalwasaare noqdo cabdi faarax shirdoon oo ah aqoon yahan ganacsade in badan siyaasada soomaaliya u dhuundalooley.




