Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ayaa Waxa Ay Caadeysteen In Ay Raafaan Ama Ay Qab qabtaan dadka shacabka ah iyagoo aanan wax fal ah ku heynin
Shacabka ku dhaqam magaalada muqdisho ayaa sidoo kale sheegeen in ay qaati ka taaganyihin ciidamadaasi xiliyada ay dhacan dilal ama qaraxyada iyagoona sheegay in ay waqtiyadaasi oo kale ay naftooda doorbido in ay ka cararaan guryahooda maadama ay nabad sugida cida wax galabsatay xiliga ay cararaan islamarkaana ay uruuriyaan cid allaale cidi ay ku arkaan agagaaraha ay falalkaasi ka dhacaan kuna eedeyaan in ay dadka shacabka ah ku lug leyihiin una taxaabaan xabsiyada ay ku leyihiin muqdisho.
Tan iyo xiligii ay soo ifbexeen ciidamada nabad sugida ayaa waxaa wal wal iyo walaac baahsan laga ka muujiyey shacabka an ku lug leheen siyaasadaha is diidan ee ka jira dalka soomaaliya.




