Rag Ku Hubeysan Biskoolado ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidmada DF, xili amaanka Muqdisho uu sii xumaanayo Maadaama Uu Maalin walbo Falal Amdiro Ka Dhacayo.
Askarigan ka tirsanaa Ciidmadda Nabad Sugida DF ayaa waxaa lagu toogtay Degmada Howlwadaag iyadoo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkaasi Kadiba Toogashada.
Ciidamada Amaanka DF ayaa gaaray goobta lagu dilay Askarigaasi, mana jiraan cid ay u soo qabteen dilkii loo geystay Askarigaasi.
FalalkaDilalka lala beegsanayo Ciidmada DF ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili amaanka Magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo Mana Jiro Wax Ay Ilaa Iyo Haatan Ka qabteen Saraakiisha Dowladda Soomaaliya.




