Iyadoo dhawaan magaca illaahey lagu dhaariyey in ka badan 200 loona dhaariyey xubinimada barlamaan afarta sano ee soo socota,ayaa waxaa ay dhexdooda ka doorteen gudoon si hagaagsan loo soo dhaweeyey balse somaali hore ayaa tiri “LAMOOD NOQOSE WEYSEY” Waana mida maanta soo iftiimeysa maadaama ay xubnihii cadaalada looga fadhiyey ay maanta soo bandhigeen shuruudo aan waafaqsaneyn dastuurka waxa lagu sheegey ee dhawaan isagana la yiri waa ansax.
Qodobka xeer gudubka ah ay ah lacag u muuqata in ay tahey Qamaar turub la saaranayo oo dhan 10.000 usa taasoo aan ku jirin dastuur ku sheega dad badan kasoo hor jeedaan iyadoo sida la sheegayo ay la laabteen qod tilmaamayey in musharax kasta heysto 20 xildhibaan taas oo micnaheedu noqon lahaa in ay xubnaha baarlamaanku isu qeybiyaan laaluush iyo jeeb faruurka dhawaan furmay,waxeyna dad badan ka digayaan in taasi keeni karto in dalka lacag la dhaafsado,in qof aqoon iyo karti lahi lacag lagu xiro,muwaadinkana aysan taasi ku habooneyn,baarlamaankani taariikh madaw somaliya gelin doono.





