Iyadoo beryahanba aad loogu mashquulsanaa sidii loo heli lahaa xildhbaano bedela kuwii hore ee gaarayey 550ka ayaa waxaa caawa la shaaciyey liis ay ka muuqdaan ra’iisal wasare c/weli gaas kuxigenkisa c/wahab khalif,wasirki dasturka jawaari iyo xubno badan oo kamid ah xukumada hada talada dalka heysa.
Waa wax lala yaabo afrikana kuma cusba dhaqanada nuucan oo kale ah,lagamana sugayo horumar iyo adeeg bulsho nin wixii la yiri shacabka u gee qaatey oo jeebkiisa ku shubtey xilkii la yiri bulshada ka dhex samee ninkii qatey isagoo adeega ah muxuu shacabka soo gaarsiin karaa oo isaga soo dhaafaya?
Sida lala socdo dhawaan ayey aheyd markii ra’iisal wasare c/wali gaas cadeeyey in uu yahey musharax madaxweyne isagoo adeegihii koowaad ee qaranka ah,sidaas awgeed waxaanba door bidi lahaa hadiiba arinku sidaas yahey in iyaga loo daayo dhamaan xilalka adeega dalka,iyadoo la shagayo sidaas si la mid ah in m/weyne sharif sh axmed iyo sh/xasan sh/aadan ay iyaguna xildhibaano yihiin.




