Sh.Aadan Madoobe”Waxaan Ahay Musharax Gudoomiye Barlamaan”

0
519

 Wararka Soomaalya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan madoobe oo horey u ahaa Gudoomiyihii Barlamaanka haatan wakhtigiisa sii dhamaanaya ayaa waxaa uu maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay inuu u taagan yahay xilka Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka.

Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in wixii maanta laga bilaabo uu yahay Musharax u taagan xilka gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ee uu yeelanayo barlamaanka cusub ee Soo socda oo haatan dhismihiisu ay wadaan odoyaasha Dhaqanka.

Gudoomiyaha oo hadalkii wata ayaa waxaa uu sheegay inuu aad u rajeynayo inuu mar kale qabto xilka Gudoomiyaha barlamaanka Cusub ee Soomaaliya waxaana uu tilmaamay inuu kal sooni weyn uu ku qabo Barlamaanka cusub ee haatan xulistiisu ay socoto.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay oo isku soo taaga xilka Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka soomaaliya uu dalka yeelanayo.

 Wararka Soomaalya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom