(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Sida u Qorayo Dasturka Cusub ee lagu wada dhawan in lagu dhaqo Dalka soomaaliya ayaa Qeexaya qofka Muwaadinka soomaaliyeed ee isa soo sharxaya looga Baahan yahan in laga so dhax doorto xisbi Isla markaana ay so sharxan xisbiisa.
Sida ku xusan Dasturka qabya qoraalka Qodobkiisa 22-aad farqadisa (B) oo Qoraya In Xisbiga siyaasadeed gudihiisa looga Dooran karo Jago isla Markaana uu isku so sharxi karo Musharax.
Qodobkani ayaa waxa u lidi ku noqonaya musharixinta Gaaraya ku dhawaad 30 Musharax oo Badan kood ah Musharixin Madaxa Banaan.
Dhanka Kale Wararka Ka soo Baxaya Musharixinta Madaxa Banaan Ayaa Waxa Uu sheegayaa in arintani Dhankooda ay ku tahay Caqabad isla markaana jeclaan Lahaayen in Dasturka Lagu daro qodob qeexaya in Musharax Madax Banaani uu ka Qeyb gali karo Tartanka Doorashada.
Dhanka Kale nidaamka Axsaabta Tirada badan Ayaa ku cusub Dalka soomaaliya Marka laga reebo Xisbiga Midnimada Jamhuriga Oo Dhidibada loo taagay 1998 ahna Xisbiga 1-aad ee Soomaaliya.
Isku soo Wada Duuboo Qodobkani Ku Xusan Dasturka Qabya Qoraalka ayaa Waxaa uu Walwal Fara Badan ku Beeray Musharixinta Madaxa Banaan aanan Leheen Xisbi Ay Ku Tirsan yihin.
(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)




