Kooxo Ku Hubeysan Bastoolado Oo Gabal Dhicii Maanta Dhaawac U Geystay Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle Kunwaaral.

0
575

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Sida ay sheegayaan wararka Ka Aynu Ka Heleeno Goobta Lagu Dhaawacay Wariye C/Qaadir Cumar Cabdulle Kunwaaral In Kooxaha Hubeysan ayaa xabadaha Kala Dheceen caloosha iyo lugta, iyagoo Dabadeedna Iskaga Cararay Goobtii Ay ku Dhaawaceen Wariye C/qaadir Cumar Cabdule, waxaana dhaawac daran oo soo gaaray wariyaha kadib loola cararay isbitaalka Madiina.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ragga Hubeysan ay ugu tageen xilli uu banaanka hore gurigiisa maqribkii ku cadeysanayay, deetana uu ka shakiyay, markii ragga bastoolado soo baxsadeen, oo uu ku cararay guriga, kadibna ay rasaas lugta uga dhifteen.

Lixdii bil ee u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu ugaarsanayay wariyeyaasha, iyadoo ilaa afar wariye lagu dilay Caasimada, kuwaasoo ka shaqeynayay Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.