Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa xalay waxa dul heehaabaysay diyaarad aan la aqoonsan meesha ay ka timid, taasi oocabsi iyo aragagax ku dhalisay dadwaynaha ku nool magaaladaasi.
Sida uu ku soo waramayo weriyahayaga magaalada Ceerigaabo Cali Aadan Daahir,diyaaradaasi
ayaa xalay abaaro sagaalkii iyo badhkii habeenimo mar qudha si wayn ay dadwaynaha magaaladu uga war heleen, iyada oo guuxeeda si wayn looga dareemay magaalada, taasi oo ku dul wareegaysay deegaanada magaaladaasi ku xeeran.
Diyaaradan oo aan la arkaynin muuqaalkeeda balse si aad ah loo dareemayay guuxeeda oo ay dadwaynuhu ka seexan kari waayeen xalay ilaa saqdii dhexe ayaa loo malaynayaa in ay tahay mid hawlo basaasnimo ah ku samaynasya buuralayda dhinaca bari kaga beegan magaaladaasi.
Dadwaynaha ku nool Ceerigaabo ayaa xalay intooda badani u hoyden guryaha hortooda iyaga oo guryaha xamili kari waayay guuxa diyaaradaasi awgeed.
Diyaaradan oo aan la aqoonsan meesha ay ka timid iyo u jeedada ay ugu dul wareegayso magaaladaasi ayaa loo malaynayaa in ay ka soo kacday maraakiibta dawlada Maraykanka ee ku sugan saldhiga uu maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti.
Maamulka gobolka Sanaag iyo taliyaha ciidanka milateriga ee gobolkaasi oo aanu isku daynay in aanu ax ka waydiino diyaaradaasi ayaanay noo suurto gelin telefonadooda gacanta oo xidhnaa awgeed.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa magaalada Ceerigaabo waxa tegay saraakiil ka socday sirdoonka Somaliland iyo kuwo Maraykan ah, kuwaasi oo maalin ku sugnaa magaaladaasi, iyada oo ay saraakiishaasi wateen diyaarad khaas ah. Inkasta oo aan warbaahinta wax tafaasiil ah laga siin u jeedada socdaalka ay saraakiishaasi ku tegeen Ceerigaabo, balse ilo wareedyo arrintaasi ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in ay la xidhiidhay sidii ay u soo eegi lahaayeen xaalada nabad geliyo ee gobolka Sanaag.
Xafiiska Warqabadka warsom.com





