Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa sheegay qodobadda Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlayaan. Kuwaasi oo uu tilmaamay inaanay waxba yeelaynin
madax-banaanida Somaliland.
Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:-
“Intii u dhexeysay 20kii iyo 21kii Juun, 2012ka, ergooyin ka socday Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa wada-hadallo ku yeeshay magaalada London, iyaga oo ka dhaqaaqayay ama fulinayayba war-murtiyeedkii ka soo baxay shirarkii London iyo Istanbuul.
Labadaa war-murtiyeedba waxay ka hadlayeen in la taageero oo la taakuleeyo wada-hadallo dhex mara labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ama ciddii dhaxasha.. Wada-hadalladan waxa looga gol lahaa in laga caawiyo sidii ay u qeexi lahaayeen xidhiidhada ay mustaqbalka yeelanayaan. Ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha DIbadda ee Somaliland, waxaanay ka koobnayd shan xubnood.
Kulankaa London ka dhacay waxa shiishka la saaray u-gogol-xaadhka wada-hadallada mustaqbalka iyo meelaha ay iska kaashan karaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah ama cidda dhaxashaa. Shirkan London ee ugu danbeeyay wuxu ugu baaqay labada Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah in ay sida ugu dhakhsaha badan u falanqeeyaan una eegaan horumarka laga gaadhay wada-hadalladan. Sidaa darteed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu boqoolay Dubai si ay u soo barakeeyaan war-murtiyeedkii ka soo baxay London ee wada-hadalladii ugu danbeeyay la is-kula meel dhigay.
Iyada oo qayb ka ah nidarka loo gelayo nabad, deggenaansho iyo dimuqraadiyad ka hana-qaadda Geeska Afrika oo dhan, ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeeyeen taageerada ay u hayaan muddada kala-guurka ah oo ka dhammaata dalka Soomaaliya. Taas macnaheedu ma aha in Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka noqotay jilayaasha Soomaaliya ee ‘Road Map-ka’ wadaaga.
Waxa keliya ee arrintan looga gol leeyahay waa in si dhakhso ah loo suuro-geliyo in dawlad sharciyeysani ka hana-qaaddo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, waana mowqif aynu la wadaagno adduunweynaha oo la wada taageerayo, isla markaana dan u ah Jamhuuriyadda Somaliland. In xilliga kala-guurka ah ee Soomaaliya dhammaadaa, waxay tamar iyo taageeraba u tahay natiijo togan oo ka soo baxda wada-hadalladan. Dhammaanshaha xilliga kala-guurka ee Soomaaliya, waxay fursad la mahadiyo u tahay wada-hadallada iyo habsami-u-socodkooda.
Khudbaddiisii 52-guuradii ka soo wareegtay madax-bannaanidii Somaliland ee 26kii Juun 1960kii iyo shirkii jaraa’id ee uu lu qabtay madaarka Berbera 27kii Juun markii uu Dubai u ambo-baxayay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxu hadalkiisii ku dhaabadeeyay:
“Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland gor-gortan ma gelayso ka-noqoshana ma laha”.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land





![boobe4-294x300[1]](https://warsom.com/wararka/wp-content/uploads/2012/06/boobe4-294x3001.jpg)