Degmada Qansaxdheere Ee Gobolka Baay Oo tababar loogu Bilaaway Askar Ka Tirsan Ciidanka DKMG ah ee soomaaliya.

0
559


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Maamulka Dagmada Qansax Dheere Ee DKMG ayaa Sheegay in Cutubyo katirsan Ciidamada Dowlada ay Tawabar ugu bilaaween Dagmada Qansax Dheere Ee Gobalka Baay.

tababarka ay maamulka dowlada kumeel gaarka ay sheegen in degmadaasi ay uga bilaawen ciidan soomaaliya ay yeelaneyso ayaa waxay ku soo beegmeysa xili maalmahii ugu danbeyay ay gobolka baay ku soo laablaabten weeraro halkaasi ku dhexmarayay xarakada alshabaab iyo ciidamada DKMG ah ee soomaalia oo kaalmo mileteri ka helay kuwa Ethiopia.

ciidamada hada ay u furmen tababarka ayaa la rajeynayaa in wax weyn ay ku soo kordhiyaan amaanka degmada iyo guud ahaan gobolka bay.

saraakiisha ciidanka dowlada soomaaliya waxay sheegen in hada ay ciidankaasi ujeedka ugu weyn ee loo aasaasay ay tahay badbaadad dadka shacabka ah ee soomaaliay iyo sidoo kale in ay adkeeyan amaanka oo ay la dagaalamaan xarakada alshabaab oo deegandasi hore uga ariman jiraty balse billo ka hor laga saaray ka dib dagaal xoogan oo ay wada gallen.

Xafiiska warqabadka warsom.com