Waxaa habeenkii xalay magaalada gaalkacyo ku geeriyooday Alle ha u naxariisteeGuddoomiyihii hore ahlu sunna ee G/dhexe.

0
382

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Allaha u naxariisto waxaa isbitaal ku yaala magaalada gaalkacyo ku geeriyooday gudoomiyihii hore ee ahlu sunna ee goboladda dhexe sheikh cumar sheikh maxamed faarax oo u geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka dagaari ee g/mudug.

Sheikha ayaa loo qaaday markii uu dhaawaca soo gaaray isbitaal si xaaladiisa caafimaad loogu baxnaaniyo hase ahaate sheikha uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka.

Sheikh cumar sheikh maxamed faarax allaha u naxriisto waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii ururka ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka somaliya waxaana uu ahaa sheikh cumar gudoomiyihii maamulka ahlu sunna wal jamaaca ee g/dhexe.