Taliska Ciidamada Wadada EX.Control Oo Sheegay iney Fashiliyeen Weeraro Lagu Soo Qaaday Ciidamadooda.

0
497

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Afhayeenka Ciidamda Ex-Control  Oo La Hadlayay Warbaahinada Ka howl gasha Gudda Muqdisho Ayaa Waxa u  Sheegay In Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Ka Fashiliyeen Qorshooyin Fara Badan oo ay ku daneynayeen in ey ku dhibaateeyan shacabka soomaaliyeed ee qoxootiga ku ah agagaarka sarkuusta.

Axmed Yare ” Anaga Waxa Aan joognaa Sarkuusta Mar Marka Qaar Al-Shabaab Werar Wey Nagu Soo Qaadaan Anagana weynu Iska Caabinaa Sida Hora Loo Bartanaa Mar Walba Wey Ku Jabaan “ayu Yiri.
Dhanka Kale afhayeen Xarakada mujaahidiin Al-shabaab Ayaa  Beeniyay Hadalka Ka Soo Yeeray Axmed Yare Waxa Uuna Ku Tilmaamay Axmed Yare In Uu Yahay Ruux Jabkiisa Necec in La Ogaado Balse Jecel In uu Marwalbo faano Sida Hora Looga Bartay Dadkii Ka Horeeyay Isaga.

Dagaalada Dhaxmara Ciidamada Dowlada Iyo Xarakada Al-Shabaab Ayaa LooGA Bartay in Labada Dhinacba In ey Ka Sheektaan Guulo .

Sido Kale Dagaalada Ka Dhaca Soamali ayaa Ah Mid lagu Dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed Aanan Waxba Ka Galabsan Cidna.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya