Warar hoose oo ay heshey shabakada wararka warsom ayaa sheegaya in koox soomaali ah ay heshiis la soo galeen dawlada ugandha iyagoo sheegey in ay doonayaan in ay suuqa ka saaraan shirkadaha wadaniga ah
ee hada dalka ka shaqeeya sida afrikan express,juba-airways,daalloairline iyo kuwo kale.
Shirkadan ayaa waxaa loo bixinayaa magaca ah SOMALIAIRWAYS iyadoo ladoonayo in ay bixiso dawlada ugandha 2 diyaaradood oo ku shaqeeya magaca somaliairways isla markaasna ay dhaqaalaha diyaaradahaas ka soo baxa la siiyo boqolkiba 30%shirkada magaca cusub wadata boqolkiba 70%kalena ay qaadato dawlada ugandha warkan ayaa waxaa si caro leh uga jawaabey kuna gacan seyrey Guddomiye kuxigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed md cali maxamed nuux timajilic oo lasoo xiriirey wakaalada wararka warsom isagoo sheegey in aysan shacbiga soomaaliyeed ay ka daaleen bililiqo iyo been lagu qaraabto.
Sidoo Kale MR timajilic ayaa intaa ku darey qolada dooneysa in ay ugandha la shirkoobaan mey la shirkoobaan somaliairline dibna loo soo celiyo shirkadii iyo magacii nalaku yiqiin ee quruxda badnaa inta diyaarado ugandha lagu buufinayo magac been abuur ah.
Shirkadan lagu magacaabey somaliairways ayaa waxaa gudoomiye looga dhigi rabaa baa layiri “DABLE BILOOTO” lamana oga halka iyo sharciyada ay shirkadani ka mari doonto shirkadii somaliairline oo lagu yiqiin duulimaadka caalamka waana la arki doonaa beryaha soo socda halka ay salka dhigato iyo sida loo shaaciyaba.
Xafiiska Wararka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya





