Qaraxyo is xig xigay ayaa mar dhaw laga maqlay gudaha suuqa weyn ee bakaaraha xili halkaasi ey ka socdeen hawlo bur burinayo sandaqadaha sharci darada ah .
Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa cabdalla shideeye oo xiligaasi ey ku sugnaayeen ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska Sida ey Caddeynayaa Gob joogayaal u waramay WARSOM.COM Ayaa waxa ey sheegeen in qaraxani ey ku dhimatay qof hawayn ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen oo midu uu ahaa ciidanka dowlada .
isla Qaraxa labaad ayaa waxa uu ka dhacay Goob aan sidaa uga Fogeen Suuqa Cabdalla Shideye Qaraxaaso oo ahaa Bam Gacmeed Lagu weeraray Ciidamada Dowlada ee Halkaasi Ka Wada hawl Galo.
Ilaa Iyo Iminka Ma Cadda Qasaaraha Dhabta ah ee Ka Dhashay Labadaasi qarax iyo Tacshiirada ey furen ciidamada dowlada KMG Xaaladda goobahaasi ayaa ah mid iminka Cakiran Waxaana Ku Sii Qulqulaya Ciidamo Ka tirsan Kuwa Dowlada Somaliya.





