Ciidamada itobiya Oo Hubka ka Qaaday Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada oo Dagaal Ku Dhexmaray Baladweyne.

0
974


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Ciidamda Milatariga Dolawada Itobiya Ayaa waxey goor Dhaw Hub Dhigis Ey Ku Sameyeen ciidamda Dowlada KMG Somaliya oo Maanta Dagaal Ku Dhex Maray Magaalada Baladweyne.

Labada Ciidan ee Ka Wada tirsanaa maamulka Gobalka Hiiraan Ayaa Waxay Maanta Ku Dagaalameen bar Control  oo Ku taalla Xaafadda Buundo weyn gaar ahaan laanta isbartiibada ee Magaalada Baladweyne.

Dagaalka Dhaxmaray ciidamadaan ayaa waxa uu ku yimid isfahan waa keentay lacagaha canshuurta ee laga qaado Gawaarida Gaar Ahaan Gaari Xamuul Siday ,isla Markaana waxaa la tilmaamay in labada Dhinac isku fara saareen laanta isbartiibada, waxeyna dagaaladu geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo daawac.

Wararka ka soo baxaya dagaalkani ayaa waxa uu tilmaamayaa in Laba askari ay ku dinteen seddex kalana  ay ku dhaawacmeen isla dagaalkani majiraan wax rayid ah oo ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Is rasaaseentaasi markey dhacday dabadeed Goobta la isku dagaalay waxaa soo gaaray ciidamada milatariga dalka itoobiya ee jooga gobalka hiiraan waxa eyna labada ciidan ey ku sameeyeen hub ka qaadis dabadeenda goobta la isku farasaaray waxaa dagay ciidamda dalka itobiya.

Xaafadda Buundo Weyn oo Lagu tiriyo Dhinaca Bari ee magalada baladweyne ayaa waxa la sheegay  ciidamaddii joogay inay weeraro ku soo qaadeen kuwa kale oo ka yimid dhinaca Galbeed ee magaalada baladweyne, ayna taasi Dhalisay in Goobtaasi uu Ka Dhaco Dagaal.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Soomaaliya.